Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa safiirka Itoobiya ka galay wada hadalka DF Soomaaliya iyo Puntland?

Waxaa magaalada Garoowe lagu saxeexay heshiis lagu soo af meerayay wada hadal u socday maalmahan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Inkastoo uu wadahadalku uu ahaa mid Soomaalida dhexdeeda ah ayaa haddana goobtii heshiiska lagu saxeexayay waxaa lagu marti qaaday xubno matalaya xafiisyo shisheeye sida Qaramada Midoobay (QM) iyo Midowga Yurub (MY) iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale lagu marti qaaday goobta urur-goboleedka geeska Afrika ee IGAD iyo safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho.

Haddaba iyadoo aan garowsanayo kala shakiga iyo is-aaminaad la’aanta Soomaalida dhex taalla waan u dul qaadan karaa in heshiis Soomaali u gaar ah marag looga dhigo Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo labaduba ah unugyo caalami ah gaar ahaanna isku howla sidii Soomaaliya federaalka looga hir galin lahaa. Sidoo kale waa la fahmi karaa in IGAD oo Soomaaliya ay ka tirsantahay ay goob joog ahaato.

Weydiinta madaxa daalisay illaa saaka markii uu isoo gaadhay warka saxeexayaasha heshiiska ayaa ah sababta loogu baahday saxeexa Itoobiya safiirkeeda. Maxaa keenay arrintaas? Itoobiya waxay isticmaashaa kaarka ah inay Soomaliya daris la tahay iyo waliba iyadoo ciidammadeeda ay ka mid yihiin AMISOM, ciidammo fara badanna ay ka joogaan Soomaalida gobollo badan oo ka mid ah. Hase yeeshee Kenya iyo Jabuuti oo labaduba Soomaaliya daris la ah waxay sidoo kale ciidammo ka joogaan goobo ka mid ah Soomaaliya iyagoo waliba AMISOM iyo IGAD labadaba ka wada tirsan.

Haddii la dhaho Kenya iyo Djibouti waxaa matalaya IGAD, miyayna Itoobiya IGAD ku fillayn? Maxaa Itoobiya ka gaar-ka ka dhigay?

Haddii shirkii Federaalka iyo maamul-goboleedka Jubba ee Addis Ababa lagu qabtay oo kale ay ahaan lahayd waa loo samayn kari lahaa marmarsiinyo iyo qiil ay Itoobiya ku soo gasho saxeexa maaddaama shirka lagu qabtay caasimaddeeda.

Dib waxay ka noqon ma sheegin, ogaalkayse Itoobiya Soomaalida iyo Soomaaliya waxaan dhib iyo hagardaamo ahayn uma gaysan. Haddii cid wax tar iyo wanaag ay noo galaaen aan ugu kalsoonaanayno waxay ahayd ugu yaraan in safiirka Turkiga oo aan ka dharagsannahay waxa ay Soomaaliya iyo Soomaalida guud ahaan u tareen qiimahiisa in la tixgaliyo oo waliba lagu kalsoonaan karo inay daacad ka yihiin soo kabashada Soomaalida.

Jawaabta kaliya ee ii baxday waxay tahay iyadoo Itoobiya ay isu aragto kuna qancisay beesha caalamka, gaar ahaan labada nin ee caddaanka ah ee kala matala QM iyo MY, in ay iyadu ay tahay awoodda kama dambaysta ah ee iska leh go’aanka siyaasadda Soomaalida. Jawaabtaas ma ahan mid aan iska mala awaalayo ee waxay ku caddayd hadal badheeh ah oo uu nin ka tirsan xafiiska arrimaha dibadda Itoobiya laguna magacaabo Shawel ka sheegay shirkii dhawaantan lagu soo gabagabeeyay Kismaayo ee u socday dadka maamul goboleedka Jubba. Wuxuu sheegay arrimo badan oo daaha ka rogaya sida ay iyagu masuulka uga yihiin kala googaynta Soomaaliya laga soo billaabo ku dhawaaqistii gooni isu-taagga Somaliland. Wuxuu kaloo Soomaalida ugu hanjabay in xataa Misungugu (oo uu ula jeedo caddanka matala reer Galbeedka) ay isaga iyo wasaaraddiisa kala xidhiidhayaan wixii Soomaaliya khuseeya.

Xabashidu waligeed meel kasta oo ay tagaan waxay caddaanka ku beer laxawsadaan inay ka hayaan cadow iyo argagixiso, waxayna aad u isticmaalaan kaarka diinta. Maanta kaarkii Diinta ma jiro oo dadka Soomaaliyeed iyagaa badankood ka horyimid xarakooyinka hubaysan ee Soomaaliya ka jira. Haseyeeshee, waxaa muuqata in wali laga gudbi la’yahay qabyaalad, taasoo ah midda dhalisay in la is barbar dhigo calankii umadda iyo kii qabiilka.

Ugu dambayn innaga ayay noo taallaa inaan kala doorano inaan noqonno qabiillo u dagaallama calan qabiileed oo is wada neceb oo aakhirkii ku dambeeya in si toos ah Addis Ababa looga wada taliyo (illeen hadda si dadban ayaa looga taliyaaye), iyo inaan noqonno ummad is sharafta oo caalamka iyo dariskeeduna ku tix galiyaan midnimadeeda, nabad-kula noolansho iyo wax wada qabsi ka dhexeeya iyada dhexdeeda iyo caalmkaba, ku faanta midnimadeeda una horseedda jiilasha soo socdan aayatiin loo aayo.

Ugu dambayntii, walow ayna ujeeddadaydu ahayn inaan shirka dhalliilahiisa iyo ammaantiisa kale u guda galo, oon jeclaa uun inaan ku koobo saxeexa Itoobiya, haddana waxaan jeclaystay inaan bal ugu yaraan hal wax oo uu shirkani kaga wanaagsanaa kii Jubba iyo Federaalka ah sheego. Taas oo ah in shirka oo dabcan ah shir Soomaali u dhexeeya lagu qabtay goob ka mid ah Soomaaliya ee aan loola kicin dhul shisheeye.

W/Q: Saafi Labafidhin
labafidhin@yahoo.com Tastylia without prescription, generic lioresal.

You must be logged in to post a comment Login