Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaa XOG ah oo ka cusub dhismaha golaha wasiirada cusub ee SOMALIA?

Wararka laga helaayo Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya inuu bilaabay diyaarinta iyo la tashiyada dhismaha golaha Wasiirada cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu qaabilay Siyaasiyiin iyo Odayaal kuwaasi oo uu kala tashanaayay qaabka uu usoo xulaayo Golaha Wasiirada.

R/W CC ayaa waxa uu wadaa qorsho cusub uu uga feejignaanayo is hortaag mar kale kaga yimaada dhanka Golah BF Somalia oo dhawaan fashiliyay xukuumadii la soo dhisay.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in Ra’isul wasaaraha uu tiro kordhin ku sameyn doono Golihiisa, kadib markii ay Madaxweynaha isla meel dhigeen in la kala qaado Wasaaradaha qaar, maadama ay jiraan beelo badan oo raba in la qanciyo iyo xildhibaano doonaya xilal.

Waxaa jira warar hoose oo sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay isku fahmi la’ yihiin sifooyinka Siyaasiyiinta loo magacaabi lahaa Wasiirada, inkastoo Madaxaweynaha uu dadaal xoogan ku bixinaayo hirgalinta Siyaasada Asxaabtiisa.

buy Viagra Jelly, order Zoloft.

Waxaa mar waliba suuragal ah in Ra’isul wasaaraha uu mar kale la kulmo caqabado, waa haddii Golaha la soo dhisaayo ay ka dhexmuuqdaan Asxaabta Madaxweynaha, gaar ahaan kuwa horay loo diiday.

You must be logged in to post a comment Login