Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxaad ka ogtahay ujeedada ugu muhiimsan ee M/weynaha Turkiga u imaanayo Muqdisho ?

Madaxweeynaha dalka Turkiga Mr.Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu casumay in uu xariga ka jaro xaflada furitaanka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport .

buy baclofen online cheap, buy zithromax.

Waxaa lagu wadaa maanta in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ciidamo Turki ah oo aad u tababaran kuwaas oo kor ka waardiyeen doona Madaxweeynaha dalka Turkiga Mr.Recep Tayyip Erdogan sida uu nagu soo gaarsiiyay mid ka mid ah Madaxda sare ee Dowladda Somaliya .

Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde International Airport ayaa waxaa mudo dheer ka socday dhismo casri ah oo ay ka dhex wadeen injineero u dhashay dalka Turkiga.

Sidoo kale Furitaanka xaflada garoonka Diyaaradaha ayaa waxa ay dhici doontaa taariikhdu marka ay tahay 23-ka bishaan Jaanaayo waana maalinta Jimcaha ah ee fooda inagu soo haysa .

Wixii warar ah ee ku soo kordha amuurahaan kala soco wararkayaga danbo insha allah.

You must be logged in to post a comment Login