Maxay tahay sababta Feysal C. Warabe u diiday hub ka dhigista MUQDISHO?

Filed under: Wararka |

Muqdisho (Somalimedia Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Maamulka Somaliland ee UCID Eng Faisal Cali Waraabe ayaa waxa uu ka hadlay Qorshaha Hub ka dhigista ay Dowlada Federaalka ka wado Gudaha Magaalada Muqdisho.

Eng Faisal waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Kooxaha Hubeysan lagu sameeyo Hub ka dhigis, balse uusan u arag qaabka ay Dowladu sameyneyso qaab Dowladeed.

‘’Wey fiican tahay in hub ka dhigis la sameeyo, laakin waxaa loo baahan yahay in la maro wado nidaam ah oo ay ku kala nabadgalayaan Ciidamada iyo dadka shacabka, waxaa looga baahan yahay in Dowladu aysan ku degdegin xiligaani maadama ay caqabado badan jiraan’’ Sidaa waxaa yiri Faisal Cali Waraabe.

Mar Su’aal laga weydiiyay Nidaamka ay adeegsaneyso Dowladu, ayaa waxa uu Tilmaamay inay adeegsaneyso Nidaam Maleeshiyo ku duushay Maleeshiyo kale, waxa uuna ka digay in Dowladu ay ku fududaato Ciladaha iyo sharaf dhaca iyada dib ugu soo laabanaayo, waxa uuna ku baaqay inay sameystaan dad ku xeel-dheer Howlgalada.

Dhanka kale, Faisal waxa uu Dowladu ku eedeeyay inaysan ka fiirsan Ficilada ay ku dhaqaaqeyso, taasina waxa uu ku tilmaamay mid ka turjumeyso aqoon la’aanta iyo Khibrad la’aanta heysata Madaxda iyo Saraakiisha.

‘’Waa arrin aan laga fileynin inay ku kacdo Dowlada, waayo qaabka ay u adeegsaneyso ma aha mid ku haboon nidaamka ciidan iyo diblumaasiyadeed’’

Waxa uu ku dhiiragaliyay in Beesha Caalamka ay uga faa’iideystaan dhanka tababarada Ciidanka, gaar ahaan ka hortaga weerarada iyo Howlgalada Hub ka dhigista ay xiligaani wado DF.

 

Posted by on August 20, 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

One Response to Maxay tahay sababta Feysal C. Warabe u diiday hub ka dhigista MUQDISHO?

Leave a Reply