Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo xukun ku riday gabar Islaamka Qaadatay

Maxkamadda magaalada Denver, gobolka Colorado ee wadanka Mareykanka ayaa afar sano oo xabsi ah ku ridday gabar dhawaan qaadatay diinta Islaamka oo la qabtay iyadoo kusii jeeda dalka Suuriya si ay Daacish ugu biirto.

Gabadhan oo lagu magacaabo, Shannon Conley ayaa bishii April ee 2014-kii laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Denver, xilli ay doonaysay in ay aaddo dalka Suuriya, si ay gacan u siiso khilaafada Islaamiga ah ee ISIS oo Suuriya iyo Ciraaq ka dagaalanta.

Shannon Conley ayaa maxkamadda ka hor-qiratay in safarkeeda uu dalka Jarmalka ku wajahnaa, si ay uga sii gudubto Suuriya oo xoogagga Daacish ay ka dagaalka ka wadaan.

Conley oo 19 sano jir ah ayaa u mahadcelisay FBI-da Mareykanka, iyadoo ku ammaantay inay nolosheeda badbaadiyeen, kaddib markii ay qabteen xilli ay doonaysay inay ka dhoofto Mareykanka ayna ku biirto xoogagga Daacish. buy paroxetine online cheap, generic clomid.

Xukunka maxkamadda ayaa dhacay Jimcihii shalay, markii ay maxkamaddu u fariisatay dacwad lagu soo oogay gabadhan dhawaan Islaamka qaadatay, iyadoo dood dheer kaddib lagu xukumay afar sannadood oo xabsi ah.

Mareykanka ayaa la tacaayaa dadka doonaaya inay ku biiraan Daacish oo ay Mareykanka iyo xulufadiisu kula jiraan dagaallo ay doonayaan inay caalamka kaga tir-tiraan sida ay xukuumadda Washington horay u sheegtay.

Dhallinyaro badan oo reer galbeed ah ayna ku jiraan Soomaali Yurub iyo Mareykanka ku koray ayaa horay ugu biiray kooxdan oo weli dagaallo ay dhulal ku qabsanayso kawadda dalalka Shaam la isku yiraahdo.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Daacish ayaa waxay ka talisaa dhul ballaaran oo ku yaalla dalalka Ciraaq iyo Suuriya, iyadoo sheegtay in qorshaheeda ugu dambeeya uu yahay inay ka hirgeliso dalalkaas dowlad Islaami ah.

You must be logged in to post a comment Login