Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MAXKAMADA MAAMULKA PUNTLAND OO XUKUN ADAG KU RIDAY SIYAASIYIIN IYO ODAYAAL KA QAYB QAADANAAYA DHISMAHA MAAMULKA GOBOLADA DHEXE

Maamul Goboleedka Puntland, ayaa wuxuu maanta xukun adag uu ku riday Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Waqooyiga Magaalada Galkacyo, oo ka qayb qaadanaaya Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe. buy Tadalis SX, buy dapoxetine.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal, ayaa waxay xukun xabsi daa’in ah ay ku xukuntay saddex nin oo Siyaasiyiin ah, oo mid ka mid ah lagu magacaabo C/weli Muuse Shire (Dhunkaal).

Sidoo kale Maxkamadda, ayaa min 10 sano oo xukun xabsi ah ku xukuntay 11 nin oo Odayaal Dhaqameedyo ah, ka gadaal markii ay Maxkamaddu ku eedeysay inay ku kaceen ku xad-gudub ka dhan ah jiritaanka Maamulka Puntland.

Axmed Salaad Maxamuud oo ka mid ah Garsoora-yaasha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Gobolka Nugaal, ayaa maanta Magaalada Garoowe kaga dhawaaqay xukunada kala duwan ee lagu riday Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka.

Dadka la xukumay, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay ka maqnaayeen goobta Maxkamadeynta, isla-markaana ay Puntland gacan adag ku soo qab qaban doonto.

Suldaan C/casiis Suldaan Beyle oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee la xukumay, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xukunkaasi, isagoo dhinaca kalana sheegay inaanay Puntland carqaladeen karin xoriyatul qowlka, sida uu yiri.

Madaxtooyada Puntland, ayaa laba toddobaad ka hor sheegtay in gacan bir leh lagu wejihi doono, xubnaha ka qayb qaadanaaya Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe (Galgaduud iyo Koonfurta Mudug).

You must be logged in to post a comment Login