Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maxkamadda darajada 1aad oo xukun dil ah ku riday rag lagu soo qabtay jidgooyo “DAAWO VEDIO +Dhageyso”

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidmada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kuriday askar iyo dadkale kuwaasi lagu soo qabtay iyaga oo dhiganaya jidgooyin lagu dhibaateynayay dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxkamadda oo maanta u fadhiisay dhagaysiga dacwad ciqaabeed loo haystay 7 qof oo 4 ka mid ah ay ka tirsanyihiin askarta ciidamada dowladda oo 25-kii bishaan lagu soo qabtay, iyaga oo ku guda jira falal lagu dhibaateynayo bulshada ayaa maanta shan ka mid ah lagu xakumay dil toogasho, halka ay Maxkamaddu ay amartay in la sii daayo labo kale oo ka mid ah todobadii qof ee ay maanta Maxkamadda xukuntay.

Xeer ilaalinta ayaa ku eedeeyay in raga lagu soo qabtay gaari nuuca dadweynaha ah oo ay ka dhaceen ganacsato Soomaaliyeed xilli uu marayay deegaanka Tix-siile ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana soo qabashada ragaasi gacan ka geystay ciidanka xoogga dalka qeybta 20-aad.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Soomaaliya Kornayl Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Warbaahita qaranka uga waramay dacwad ciqaabeedka ay maanta u fadhiisteen iyo sida uu xakunka ku dhacay.
http://www.youtube.com/watch?v=a135QyGNNps#t=55 order baclofen online cheap, cheap zithromax.

You must be logged in to post a comment Login