Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

MD Farmaajo oo sanadkan ka qeybgalaya shirka QM

September 8, 2019

Muqdisho – Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sanadkan ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu xaqiijiyey wasiirka qorsheynta XFS, Jamaal Maxamed Xasan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan Soomaaliya iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo shirka golaha ammaanka ee QM, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan uu Madaxweynuhu dib isaga celiyey dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka.

You must be logged in to post a comment Login