Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Meydka Hooyo Soomaaliyeed oo laga cabsi qabo in dalka China lagu gubo

celebrex online, cheap clomid. Dowlada dalka China ayaa mudo shan cisho ah u qabatay meydka Hooyo Soomaaliyeed oo la oran jira Muna Xaaji oo ku geeriyooday magaalo ku taal dalka China.

Sharciga u yaal dalka China ayaa ah in qofka marka uu dhinto aan la aasin oo la gubo badi dadka Chineska ah ayaa meydkooda la gubaa ajaanibta kalena marka ay ku dhintaan wadankaas dowladahooda ayaa dib u ceshta.

Seyga Marxuumad Muno oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Xasan ayaa la hadlay warbaahinta Soomalida waxaana uu ka warbaxshay xaalada so wajahda ee ay dowlada China ku amartay, Muslimiinta iyo dada Soomaliyeed ayuu ka codsaday in ay ka caawiyaan sidii aan lagu gubin xaaskiisa meydkeeda oo loo geyn lahaa dhul ay sharci ka tahay in qofka la aaso.

Qayaas la sameeyay ayaa la sheega in haddii meydka la keenayo Soomaaliya ay ku kacayso qarashaad dhan $ 35,000 oo lacagta dollarka ah.

You must be logged in to post a comment Login