Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Meydka Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo saake lagu Aasayo Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in lagu Aaso Meydka Wariye Maxamed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa Idaacada iyo Taleefishinka Afka Dowladda Federaalka ku hadla.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Suxufiyiin iyo Ehelada Marxuumka ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan aaska Maanta magaalada Muqdisho loogu samaynayo Wariye Maxamed Ibraahim Raage.

Ilaa iyo hadda lama oga Wariyaha cida dishay sidoo kale ma jirto cid loo soo qabtay ku lug lahaanshiyaha Dilka Wariyahaasi oo xalay fiidkii hore kooxo bastoolado ku hubeysan ku dileen Degmada Dharkenley ee Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeynti Wariye Maxamed Ibraahim Raage waxa uu ahaa Xaasle Adduunka uga tagay laba Caruur ah iyo Hal Xaas sida ay warbaahinta u sheegeen eheladiisa.

You must be logged in to post a comment Login