Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mid ka mid ah Weriyeyaashii ugu caansanaa oo BBC Somali ka tegay

order Penegra online cheap, Zoloft reviews.

C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto) oo ka mid ahaa weriyeyaasha ugu caansanaa ee laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa maanta shaqadii ka tegay.

Koronto oo BBC ka shaqeynayey muddo 16 sano ah ayaa ka soo noqday intii uu shaqeynayey tifaftire iyo Barnaamij soo saare.

Qoraal uu C/raxmaan Koronto soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay inay maanta ugu dambeyso shaqadii uu ka hayey BBC-da sababo la xiriira arrimo isaga u gaar ah.

“Maanta ayaa iigu dambaysay shaqada BBC, iyadoo aan iska casilay dhowaan kadib muddo 16 sano ah oo aan ka shaqaynayay, Mudadii aan joogay waxaan soo noqday Tifaftiraha barnaamijyada, soo saare sare, soo saare barnaamij” ayuu yiri C/raxmaan Koronto.

Xaflad kooban oo sagootin ah ayaa loogu sameeyey xafiiska BBC-da ee magaalada London taasoo ay kala qeyb galeen weriyeyaashii ay isla shaqeeyeen iyo kuwa kale.

Weriye C/raxmaan Koronto ayaa warqadii iscasilaadiisa u gudbiyey maamulka sare ee BBC-da, mana cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa inuu shaqada ka tago.

Koronto ayaa ku biiraya weriyeyaaal dhowr ah oo sanadihii ugu dambeeyey ka tegay shaqada BBC-da kuwaasoo ay ugu dambeeyeen Maxamed Ibraahim Macalimu iyo Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ahaa madaxii hore ee laanta Soomaaliga BBC-da.

buy paroxetine online cheap, generic clomid. Koronto

cardura tablets buy, buy zithromax.

You must be logged in to post a comment Login