Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mid kamid ah Aas-aasayaashii Maxkamaha Islaamiga ah oo lagu dilay magaalada Muqddisho

Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa shegaya in si toogasho ah loo dilay mid kamid h Saraakiishii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya soo maray.
Rag Hubaysan ayaa xaafada Suuq Bacaad eee degmada Yaaqshiid ku toogtay Alla ha unaxariistee Mustafa Sheekkh kaas oo kamid ahaa hogaamiyaashii maxkamadaha islaamiga ah.
Sidoo kale waxaa lalala dilay darawalkiisii iyadoona ay dilkiisa kasoo baxayaan warar kala duwan, waxaana dad aan kala xariirnay halka dilka uu ka dhacay ay sheegeen in ninka ladilay uu kamid ahaa dadka deegaanka Yaaqshiid.
Saraakiisha Nabad sugida oo uu kamid yahay taliyaha nabad sugida gobolka Banaadir Gen Ereg ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay iyadoo ay socdaan Howlgallo baaritaano ah.
Dilalka ayaa wali ka dhaca magaalada Muqdisho xili dowlada ay marar badan ku cel-celisay in amaanka uu yahay mid la isku halayn kaaro.

You must be logged in to post a comment Login