Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mid kamid ah Jilibyada Beesha marexaan oo heshiis lagashay Xarakada al shabaab Xili Kismaayo la isku heesto

Wararka haatan kasoo duul dulaayo Gobolka Gedo gaar ahaan magaalada baardheere ayaa sheegay in xarakada al shabaab heshiis hordhac ah lagashay mid kamid ah Lafaha beesha Mareexaan darood oo halkaasi kudhaqan.

Shabaab ayaa lasheegay in heshiis hordhac ah lagashay mid kamid ah jilibyada beesha marexaan waxaana lasheegay in beeesha ku toofiiqsatay in bar bar istaagi doonto xarakada al shabaab oo weli kusi harsan Gobolada qaarkood.

Jilibka shabaab lasaxiixday heshiiska aya alagu magacabaa Talxe kana tirsan jilibyada kooxda marexaan waxaana lasheeegay in beesha tageero dhanka hubka iyo dhalinyaro u balan qaaday al shabaab.

Ugu danbeyntii heshiiskaan ayaa kusoo beegmaayo xili beesha marexaan iska weyse hogaaminta Gobolada jubooyinka iskuna hayaan ayaga iyo mid kamid ah beelaha dago kismaayo kuna fashilmeeen Dowlada soomaaliya oo waan wana utagay maalinimadii shalay.

You must be logged in to post a comment Login