Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Midowga Afrika oo si Kulul u Dhaleeceeyey Qaraxii Ismaadaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Muqdisho

Midowga afrika ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka isqarxinta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kasoo ay ku geeriyoodeen dada badan oo rayid ah wakiilka midowga afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Max’ed Saalax Annadiid oo hadal kasoo saaray xafiiskiisa magaalada Nairobi ayaa si kulu u dhaleeceeyey weerarkaas.
Annadif ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid bahalnimo ah oo lagu cabsi galinayo shacabka SOomaaliyeed oo kasoo daalay dhibaatada colaada xiligane maraya marxalad ka duwan tii hore taasoo ah iney hayaaan jidkii nabada iyo soo kabashada,wuxuuna sheegay in weerarka ay alshabaab ka danbeysay.
Wakiilka midowga afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa sheegay in alshabaab ay doonayaan in shacabka Soomaaliyeed ay dib ugu veliyaan colaadihii iyo cabsidii dagaalada ee ay kasoo gudbeen taasoo uu sheegaay iney tahay mid aan la aqbali karin,wuxuuna intaa raaciyey in midowga afrika ay ka go’an tahay garab istaagida shacabka Soomaaliyeed.
Annadif ayaa ku tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa fal cadowtooyo oo lagu gumaaday shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna ka codsaday in shacabku ay taageeraan dowlada isla markaane ay ka horyimaadaan dadka dhibaataada joogtada ah ku haya.

You must be logged in to post a comment Login