Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

M/Kuxigeenka Puntland oo Lagu Dhawaaqay

Kadib Doorashadii ka Dhacday magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa waxaa ka Soo Baxday Natiijo in Badan si aad ah loo Saadaalinaayey kadib Markii Si rasmi ah Loogu Dhawaaqay Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Ku Xigeenkiisa.

Golaha Wakiilada Maamulka Puntiland ayaa goordhaw doortay Madaxweyne kuxigeenka Puntland kadib Doorasho Dheer oo Si aad ah u Kulul oo ka Dhacday Hoolka Xarunta Maamulka Puntland.

C/Xakiin C/laahi Xaaji Cumar Cameey ayaa ku guuleestay Doorashada Madaxweyne kuxigeenka Maamul Gobleedka Puntiland kadib markii uu helay codad gaaraya ilaa 48-cod halka Musharaxa la tartamayay ee C/laahi Cali Xirsi “Tima Cadde” uu isna helay ilaa 16-cod.

Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar oo ah reer Buuhoodle ayaa ah nin qurbaha ka yimid, gaar ahaan dalka Maraykanka, waxaana doorashadiisu ka dhigeysaa mid Puntland weji cusub ku soo kordhisey, isla markaana uu jaal la noqonaya Madaxweynaha Cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo isaguna ah musharax ka yimid dalka Maraykanka.

Guud ahaan waxaa si nabad iyo deganaansho ah ku soo dhamaatey doorashadii subaxnimadii hore ee maanta oo arbaca ah ka bilaamey caasimadda Puntland, waxaana magaalooyinka Puntland ka socda xaflado iyo dabaaldeg lagu soo dhaweynaayo isbeddelka cusub ee Puntland ka dhacay, taas oo saameysey dhamaan saddexda kursi ee dalka u sareeya

You must be logged in to post a comment Login