Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

M/mulka Sadexda Gobol ee Baydhabo oo Madaxweyne loo doortay.

1173655_275596872602107_25689762_n

doorasho1

doorasho2

doorasho3

doorasho5

doorasho6

1173655_275596872602107_25689762_n

doorasho1

doorasho2

doorasho3

doorasho5

doorasho6

Ergadii sida dhuumaalaysiga ugu shirsanaa magaalada Baydhabo ee u fadhiyay Maamulka Koofur Galbeed ee saddexda gobol ayaa waxay saakay xili hore oo aan dadka sidaa usoo toosin doorteen Madaxweynaha Maamulkaas, iyadoo arrintan ay sii xoojineyso xiisada siyaasadeedkii ka jirtay magaaladaasi.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka saddexda gobol ayaa loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur, kadib doorasho ka dhacday Hotelka Bakiin oo ay ergadan xarun u aheyd.

sida la sheegay goobtaasi waxaa ku sugnaa tiro dad oo aad u yar balse ay iyaga number ahaan u sheegteen 723 Ergo oo ka kala yimid saddexda Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa doortay Madaxweynaha cusub 713, halka 10 ay diiday, waxaana sidaas uu ku dhawaaqay Gudoonka doorashada Maamulka in Maxamed Xaaji Cabdinuur uu yahay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in markii la doortay Mudanahan ayaa isla goobta lagu dhaariyay, waxaana siyaasigan la sheegay inay isku Hooyo yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed Xaaji Cabdinuur Hogaamiyaha Maamulka saddexda Gobol ayaa ka soo jeeda Gobolka Bakool, waxaana ay isku heyb yihiin Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah xubnaha taageersan Maamulka lixda gobol.

Maamulkan saddexda gobol ayaa ah Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose, halkii maamulkii horay looga dhawaaqay Baydhabo uu ka ahaa lix gobol oo lagu daray saddexdan Gobol iyo Gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Afartii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ka jiray banaan baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday joogitanka uu joogay Magaaladaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan, inkastoo uu shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Doorashadan ayaa ah tii labaad oo ka dhacda magaalada Baydhabo, waxaa horay loo doortay Madoobe Nuunow Maxamed Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee lixda Gobol.

Xaalada magaalada Baydhabo ayaa saakay ah mid degan, iyadoo ammaanka goobta doorashadan ka dhaceysay ee Hotelka Bakiin ay sugayeen ciidamo ka tirsan dowladda, arintan ayaa kusoo beegmaysa xili uu dib ugu soo laabtay Shariif Xasan Dalka laakiin sida ay warar hoose sheegayaan Shariifka in uu aad u Danaynayay in uu goobtaasi ka dhex muuqdo Balse Daruufta aysan u saamixix ka dib markii ay Shacabkiisa ku kaceen oo ay si wayn ugu soo horjeesteen, waxaa lagu Jahwarersan yahay m/mulkan Cusub sida uu ka shaqayn doono maadaama inta badan shacabka BAY&BAKOOL taageeran yihiin m/mulka lixda Gobol.

You must be logged in to post a comment Login