Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mudaaharaadyada Ka Dhanka Ah Dawladda Itoobiya Oo Sii Xoogeysanaya Iyo Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digey Inay U Safraan Dalkaasi

Mudaaharaadyada Ka Dhanka Ah Dawladda Itoobiya Oo Sii Xoogeysanaya Iyo Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digey Inay U Safraan Dalkaasi

Silfar no rx, cheap Zoloft.

Mudaaharaadyada Ka Dhanka Ah Dawladda Itoobiya Oo Sii Xoogeysanaya Iyo Mareykanka Oo Muwaadiniintiisa Uga Digey Inay U Safraan Dalkaasi

Addis Ababa-(SLL)-Mareykanka iyo dalal badan oo reer galbeed ah ayaa muwaadiniintooda uga digay inay u safraan dalka Itoobiya, halkaasoo dibad baxyo ka dhan ah dowladda ay ka socdaan Gobolada Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada degto.

 

Dibad baxyada ayaa ahaa kuwo sii xoogeysanayay maalmihii la soo dhaafay, waxayna xaalada ka dhigeen kuwo aan deganeyn.

 

Qowmiyadda Oromada oo ah kuwa ugu ballaaran qowmiyadaha Itoobiya ayaa ku dhawaaqay banaan baxyo waa weyn 6-7 bishan Agosto, kaasoo looga soo horjeedo dowladda.

 

Banaan bixii u dambeeyay ee maanta ayaa ahaa mid ka ballaadhan kii axadii, iyadoo kumanaan ruux oo cadheysan ay taayaro ku gubeen waddooyinka, kuna qeylinayeen halku dhigyo ka dhanka ah dowladda.

 

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalagn oo la hadlayay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sharci darro ku tilmaamay dibad baxyada, isla markaana aanan dowladda looga heysan wax ruqsad ah.

 

Dowladda Itoobiya ayaa xayirtay isticmaalka baraha bulshada sida Facebook, halkaasoo aheyd meelaha lagala socday dhaq dhaqaaqyada banaan baxyada, sidoo kale waxaa laga yaabaa inay dowladdu qaado tallaabooyin dheeraad ah sida in laga jaro goobaha dibad baxyada isgaarsiinta.

You must be logged in to post a comment Login