Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mudane Jawaari iyo Md Gaas oo kulan yeeshay (SAWIRO)

IMG_0073

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa manta xafiiska ku qaabilay Madaxweynaha maamul goboleedka goboleedka Puntland ee Soomaaliya Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas oo wafdi uu hogaaminayo ay saakay Muqdisho soo gaareen.

Kulankan oo ka dhacay xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wasiirro ka tirsan Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu horeyn tilmaamay in xafiiskiisa iyo magaalada Muqdisho uu kusoo dhaweynayo Madaxweynaha Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka muujiyey tiiraanyada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee la xiriirta geerida Allaha u naxariistee marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka.

Madaxweynaha maamul goboleedka goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa isna dhankiisa kulanka ka sheegay in magaalada Muqdisho uu u yimid ka qeybgalka aaska allaha u naxariistee Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Marxuun C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu ka mahad celiyey soo dhaweyntiisa magaalada Muqdisho.

Soo dhaweyntaasi kadib ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay wada qaateen kulan gaar ah oo socday mudo ka badan saacad kaasi oo ay uga wada hadleen wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Puntland.

IMG_0068

IMG_0070

IMG_0075

IMG_0073

You must be logged in to post a comment Login