Mukhtaar Roobow oo mid ka mid ah dalalka Khaliijka taageero kaga helayo Musharaxnimadiisa

Filed under: Wararka |

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo si hoose ula hadlay Wakaaladda Wararka Warqaad.com ayaa waxay sheegeen musharaxnimada madaxweynaha Maamulka K/Galbeed Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow Cali ABuu Mansuur gadaal ka riixeyso Dowladda Qadar.

Dowladda Qadar ayaa dhiira gelineysa dhaqaalana ku bixineyso sidii doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ugu soo bixi lahaa Wadaadka Dhowaan si cad u sheegay inuu ka baxay Al-Shabaab,islamarkaana uu aqoonsan yahay Dowladda Soomaaliya lana shaqeynayo ee ABuu Mansuur.

Ololaha musharaxnimo ee Abuu Mansuur ayaa waxaa ka shaqeynaya Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo si aad ah kaga soo horjeeda in mar kale xukunka Koonfur Galbeed ku soo laabto Shariif Xasan.

Sidoo kale,warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya taageersan tahay inuu Mukhtaar Roobow isku soo sharxo madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,taasi oo la filayo iney dhacdo bisha Augost ee soo socota.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomalaiya,Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari,ayaa isagana waxaa la leeyahay wuxuu isku soo sharxi rabaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Posted by on July 13, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply