Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad Ballaaran oo lagu maamuusayay sanadguuradii 12 aad ee aasaaskii Radio jowhar oo maanta lagu qabtay magaalada jowhar(Daawo Sawirada)

DSC05758 

Xaflad Sanadguurada 12aad ee aas aaski Radio Jowhar oo galabta lagu qabtay Hotel Suubiye iyagoo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala gedisan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka iyo hawenka iyo dhalinyarada iyo Mamulka Gob/Sh/Dhexe oo uu ugu weynaa Gudoomiyaha Gobolka Cali Cabdullaahi Xuseen , qaar kamid ah aasaasayaashi Radio Jowhar oo uu ugu weyn yahay C/qani Sheekh Maxamad .

Ugu horeyn waxaa halkaasi hadal isugu jira Hambalyeyn iyo Dardaaranba ka soo jeediyay Ku xigeenka Gudoomiyaha Dallada waxbarashada shabeelle Axmad Cabdi Maxamuud wuxuuna xusay barnaamijka lagu wacyigelinayo aada Dugsiyada , wuxuu sidoo kale kula dardaarmay in idaacadda ay sii xoojiso barnaamijyada beeraha iyo Nabadeynta maadaama ay dhegeheena ka buuxsameen waxbaa la dilay iyo qarax ayaa dhacay taasina waxaan rajeynayaa in laga gudbay.

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Cabdulle Saney oo ka mid ah Madaxda waxbarashada shirkadda Farjano oo si aad ah u amaanay horumarka ay sameeyeen dhallinyarada isagoo xusay in uu goob jooga ahaa aas askii idaacadda isla markaana uu sheegay in maalinba maalinta ka dambeysa la socday heerarkii kala gedisnaa ee ay idaacadda soo martay.

Waxaa halkaasi ka hadashay Mid ka mid ah Xubnaha sare Ururka Haweenka Gobolka Madiino Caddow , waxayna amaan u soo heedisay Horumarka ay dhallinyarada Idaacadda aasaastay ku tallaabsatay u soo jeedisay in ay dadaalkooda sii labo laabaan , Agaasimaha Idaacadda Jowhar MaxamadAbuukar Caseyr ayaa sheegay in Idaacadda Jowhar dhallinyaradii ka aflaxday Idaacadda Jowhar ay manta ka dhex muuqdaan Bahda saxaaafadda soomaaliya , wuxuuna Carabka ku dhuftay Maxamad Ibraahim Macallimuu oo BBC da ka tirsan , Websideka Jowhar.com oo uu maamulo C/casiis Xasan Maxamad Golf, websideka Isboortiga ee Laacib.net oo uu maamulo Siciid Maxamad Cali (S.Yare) ,Bashiir Xaaji Maxamad Nuur Qeyrshe oo isna ka tirsan Websideka Somalimedia.co.uk , Siciid Xagaa Afrax oo isla tirsan Hey’adda Free press isla markaana soo saarta saxafiyiin, agaasimaha ayaa waxaa uu amaan gaar ah u soo jeediyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom iyo Nation Link.

Ugu dambayntii waxaa soo gabo gabeeyey Munaasibadaa Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen oo si aad ah u amaanay Dadaalkii ay sameeyeen dhallinyaradii aasaastay Idaacadda wuxuu uga mahadceliyay sida geesinimada leh ee ay ugu dhabar adeygeen si aanay u burburin idaacadda isagoo xusay in isbedelo iyo maamulo kala gedisanba ay la soo shaqeeyeen taasina waxay muujinaysaa tallaabada geesinimada leh ee ay qaateen dhallinyarada in ay la mid yihiin SYL oo kale.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ballan qaaday in uu garab istaagi doono Radio Jowhar, isla markaana aanu ka hagran doonin inta uu maamulka Hayo wixii karaankiisa ah , wuxuuna Hambalyo u direy dhamaan shaqaalaha idaacada Radio jowhar iyo xaasaskooda isagoo ugu hambalyeeyey sanadguurada 12 ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay sanadkan kiisa kalena ku gaaraan horumar.

DSC05772DSC05717

DSC05783 DSC05783 DSC05783 Apcalis SX no rx, purchase clomid. DSC05771 DSC05768 DSC05762 DSC05761 DSC05747 DSC05735 DSC05730 DSC05727 DSC05717 DSC05758

You must be logged in to post a comment Login