Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabad lagu taageerayay waxqabadka dowladda Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabadaan lagu taageerayay mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho, laguna soo dhaweynayay booqashii taariikhiga ahayd ee uu shalay dalka ku yimid Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayna ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, xubno ka socday hay’adaha samafalka ee Turkiga iyo qeybaha bulshada ayaa xalay lagu qabtay xarunta dowladda Hoose ee Xamar.

Viagra Jelly buy online, cheap zithromax.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka benaadir ayaa faniin Soomaaliyeed oo ka qeyb galay ay goobta ku soo bandhigeen suugaan ka hadleysa waxqabadka dowladda Turkiga ay ka sameeyeen dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ugu horeyn xafladda hadal ka jeediyay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan ilaabo doonin taageerada iyo garab istaaga ay u sameysay dowladda Turkiga.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga Nihat Adiguzel oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u fidinayaan shacabka Soomaaliyeed, taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku yimid dalka ay tahay mid taariikhi ah oo ka turjumeysa Walaaltinimada ka dhexeysa labada dal.

Waxqabadka Turkiga

You must be logged in to post a comment Login