Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Munaasabadda 01-da Luuliyo oo laga xusay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

2014716353980390223086604 buy nolvadex online, online Zoloft. 2014716353980365865844296 2014716353980362577858822 2014716353980356660445163 2014716353980350487955561Iyadoo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo Dibadiisa ay u dabaaldagayaan munaasibadda 1-da Luulyo oo ah maalintii ay israaceen gobollada waqooyi iyo koonfur ee dalkeena ayaa waxa xalay munaasabadaasi si weyn looga xusaymagaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Munaasabadan ayaa lagu qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo,waxaana kazoo qeybgalay madaxweeynaha maamulka Jubba, kuxigeenkiisa, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka Jubba, saraakiil ciidan, xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, xubno ka socday maamulka Puntland, iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Fannaaniinta ku dhaqan degamada Kismaayo ayaa goobta kusoo bandhigay heeso kala duwan oo ka turjumayay madaxbanaanida iyo maalinta weyn ee 1-da luulyo ee israacii gobollada koonfur iyo waqooyi, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa cayaaraha hidaha iyo dhaqanka.

Munaasabadda ayaa waxa ugu horeyn ka hadashay Marwo Batraan Muxumed C/dille waxa ayna ka sheekeysay ahmiyadda ay leedahay 1-da Luulyo oo ah maalin ku weyn umadda Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay kaalin weyn kazoo qaateen halgankii gobonimo-doonka ahaa ee ay umadda Soomaaliyeed u gashay madax-banaanideeda.

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isna madasha ka hadlay ayaa ugu hambaleeyay umadda Soomaaliyeed munaasibadda 1-da Luulyo, isagoo sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsadaan islamarkaana ka shaqeeyaan nabad iyo midnimo.

Ugu danbeyn, saacadu markay ahayd abaare 12:00 habeenimo ayay ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba waxay saareen calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo xilligii calanka la saarayay uu jawigu ahaa mid aad u dagan islamarkaana dadkii goobta ku sugnaa ay muujinayeen dareen iyo xushmad gaar ah oo ay u hayaan calanka Soomaaliyeed.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/july/wararka_maanta1-47241.htm#sthash.43KSxIgB.dpuf

You must be logged in to post a comment Login