Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muqdisho: Nin xalay gurigiisa la gala baxay kadibna la toogtay

muqdisho-1

Waxaa xalay xaafadda suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho lagu dilay nin kamid ah dadka deegaanka oo aan la garanaynin ilaa hadda sababta dhabta ah oo loo beegsaday.

Kooxo hubeysan ayaa ninka kala baxay hoygiisa xalay fiidkii waxaana ay rasaas ay huwiyeen ay sababtay inuu geeriyoodo.

“Walaal xalay waxaa lagu dilay xaafadda Suuqa Xoolaha nin kamid ah dadka deegaanka guriga ayaa ciidamo afka u duuban yihiin ay kala baxeen kadibna waa ay toogteen, lama garanayo sababta “ sidaaas waxaa u sheegay Wakaaladda Wararka Warqaad midkamid ah dadka deegaankaasi.

Maalmihii dambe waxaa xaafadda Suuqa Xoolaha ka dhacayay dilal bareer ah oo loo geysanayay dad rayid ah.

You must be logged in to post a comment Login