Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Gaalka Dil, Gartiisana Sii: Madaxda Soomaaliyeed Eed maku leeyihiin?
Intaa aanan macluumaadkan soo bandhigain, waxaan idinku goobaabinaayaa in aaynu iska jirno dabo wareenka iyo is baa’binta aan mabda ku dhisnayn. Anigu sababo aan mark soo bandhigi doon, oo ku salaysan karti daro iyo musuq oo ah arimaha aan ku diidanahay sida ay madaxda Soomaaliyeed u maaraynayaa arimaha dib u soo noolaynta wadanka, hadana waxaan leeyahay gar maha in aan kutidhi kuteen ku salayno siyaasadeena.
Marka hore, waxaan aad u soo dhaweynayaa in umadda Soomaaliyeed, yar iyo weyn, ay u foogigan yihiin arimaha wadankooda. Su’aasha aad moodo in ay si balaadhan ugu fiday Soomaalida, gaar ahaan berta wararka la isgugu gudbiyo waa eedayn ah Sheeikh Shariif iyo CCC ayaa bada gatay. XSH se maxuu dhacwad xiligan ugu soo oogay Kenya?
Kadib markaan akhriyey tiemline ama xili-taariikheed ku aadan arimaha badda Soomaaliyee, gaar ahaan cilmi baadhis uu nimaanu saaxiibnahay ii soo diray, waxaan ogaaday in inaka iyo Kenya is-afgranshawaaga badda uu soo taxnaa illa iyo xiligii Talyaniga iyo Ingriisku wadamada Geeska Africa qaybsadeen. Talyaaniga iyo Ingiriisku wey isku dayeen in ay ka wada hadlaan, mase ka heeshiin. Gorgortanka baddeenu waxa uu bilaabmay 1924.
Markaynu xorownay arintani labada dhinacba wey soo rogaal celisay. Is afgaranshwaaga badda ku aadani1960hii ayuu xoogaysta. Sidaas darteed, 1967, Soomaaliya waxay dhaqan gelisay Xeer No. 37 oo ku aadanaa xadaynta Soomaalia. 1977 gudi uu General maxamuud Geele Yusuf hogaan kayahay, Ambasador Cabdullahi Saciid Cusmanka qar yaqaan ka yahay ayaa wakiil uga noqday taakulaynta arimaha xadaynta baddeena.
Iyada oo wada xaajoodka Soomaliya iyo Kenya marna aanu istaagin, wax 2009, March 10 Kenya yimid R/W/kuxigeen C/Raxman Ibi halkaa uu wada xaajood la galay Norwey oo markaa dano dhaqaale ka lahayd baddaha Soomaliya iyo tan Kenyaba. Morway waxay talo keentay in la xadeeyo badda Soomaaliya iyo Kenya. Ibi arintii waxa uu horkeenay Barlamaanka Soomaliya, iyaka oo ansixiyey March 12 in Norway iyo Kenyaba la lashaqeeyo.
April 7, 2009 C/raxman Cabdishakur oo wakiil ka ha CCC ayaa MOU ku saxeexay Nairobi. Nuxurka MOU waxa uu ahaa in labada dal ka wada hadlaan, Qaramada madoobina arinkan wax ku yeelato. Xuduudna la sameeyo marka labada dal go’aan ka gaadhaan arimahan.
Yaman ayaa iyana isku dayday in ay tidhaa Somaaliya baddeeda anakaa u xadaynayna. August 2009, CCC ayaa fariin u diray Qaramada midoobay isaga oo gaashaanka ku dhuftay sheegashada ay shaaganayso Yaman badda Soomaaliya.
10 October 2009 – RW Cumar Cabdirashiid wuxuu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuuna ogeysiiyay go’aanka diidmada baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ku caddeeyey warqada in MOU-ga aan la isticmaali Karin.35
10 March 2010 – Warqadda Cumar Cabdirashiid ee Go’aanka Baarlamaanka gudbinaysa waxaa ay Qaramada Midoobay gaartay 10 March 2010. Muddo dheer ayay ku qaadatay Soomaaliya in go’aanka baarlamaanka la gaarsiiyo Qaramada Midoobay (OPM/IC/00/016/1109). Qaramada Midoobay waxay MOU-ga u aqoonsadeen inaan la tixraaci Karin.36
15 March to 23 April 2010- Kulankii 25aad ee CLCS oo lagu eegayay xogta Kenya, waxay Guddigu qireen helitaanka warqadii Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid ee taariikhdeedu ahayd 10 Oktoobar 2009 ee Baarlamaanku ku diideen MOUda.42. 9 January
2014 – Kenya waxay u dirtay QM warqad iyo khariidad caddaynaya xuduuda badda ee ay la leedahay Soomaaliya.
7 October 2014- Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Cilmi Axmed Ducaale wuxu ka jawaabay khariidada ay Kiiniya geysay 9 January 2014. Jawaabtaa wuxu Cilmi ku sheegay in Kiiniya sheeganeyso dhul badeed Soomaaliya leedahay oo horyaalla Maxkamadda Adduunka.
4 February 2014 – Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr. Bayle ayaa warqad u qoray Xoghayaha Qaramada Midoobay. Wuxuuna ku caddeeyey in MOU-ga aan la tixraaci Karin, islamarkaana aysan dowladdii KMG ahayd aysan awood u lahayn inay heshiis gasho. Wuxuu si cad ugala noqday oggolaashihii ay Soomaaliya u oggalaatay in Commission-ku uu xogta Kenya go’aan ka gaaro.
Kadib markay Kenya isku dayday in ay jabiso heshiiskii MOU oo ahaa in lagawada heshiiyo, July 13,, 2015, Soomaaliya waxay maxkamadda caalamiga gaysay dacwadeeda. Kenya waxa jawaabta dacwaddeeda laga gudbisay 27 May 2016.
Shariif Xassan, Cumar Cabdi Rashiid, C/Raxamaan Cabdi Shakuur iyo C/raxmaan Ibi mid koodna Baddena ma gadan. XSM waxa uu dacweeyey Kenya markii ay kenya istidhii Soomaaliya ka faaiidayso.. Arinta waa in aan meel uga soo wada jeedsanaa, mudici, muxaafid iyo wadaadba. This is time for Call of the mother land.!
You must be logged in to post a comment Login