Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Mustafa Cagjar wadnaha farta ku haya iyo Itoobiya oo xayiraadyo ku soo rogtay maamulkiisa

September 9, 20190

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida, Mustafa Cagjar, ayaa waxa uu wajahayaa khatar aad u weyn xili maamulkiisa uu xayiraadyo dhinaca dhaqaalaha uu kala kulmayo dowladda federaalka Itoobiya.Advertisement

Sababta ka dambeysa arrintaan ayaa waxaa lagu macneeyay musuq-maasuq baahsan oo lagu soo eedeeyay, taasi oo khatar gelin karta olalahiisa doorashadda gobolka ka qabsoomeysa ee 2020-ka.

Warbixinadda ayaa intaasi raacinaya in xukuumadda Addis Ababa aysan soo fasaxin miisaaniyadii sanadkan, maadaama aanan loo celin wax xisaab celin oo sax ah kuna aadan mudada uu xafiiska joogo Cagjar.

Amuurtan waxay saamaysay nolosha dad badan gaar ahaan mishaarleydii ku tiirsanayd miisaaniyada dowladda. Musuqan baahsan ayaa ah dhaliisha ugu weyn Mustafa Cagjar iyo xukuumadiisa lagu eedeeyo.Advertisement

Mustafa Cagjar oo horey ula shaqeyn jiray Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ku yimid isbedelkii degaanka ka curtay ee loo xiray shaqsiyaad uu kamid yahay madaxweyne Cabdi Maxamuud [Cabdi Illey].

You must be logged in to post a comment Login