Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Muxuu Gaas ka yiri eedeyntii QM ee la xiriirisay Shabaab iyo burcad badeeda

buy Viagra, buy zithromax. -Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa si kulul u beeniyay eedeymo ay u soo jeedisay Kooxda la socodka xayirada hubka ee saran Soomaaliya Iyo Eritrea.

Madaxweyne Gaas, ayaa sheegay in warbixinta khuseesa inuu xiriir la leeyahay Burcad-badeeda Soomaalida ay tahay mid waxkama jiraan ah oo lagu fadeexeynaayo shaqsiyadiisa iyo Maamulkiisa.

Kooxda la socodka xayirada hubka ee saran Somalia Iyo Eritrea, ayaa waxa ay dhawaan shaacisay in C/weli Gaas uu xiriir la leeyahay burcad badeeda Soomaalida dhabna aysan ka ahayn dagaalk lagula jiro Xarakada Al Shabaab.

Madaxweyne Gaas ayaa warkaani beeniyay xili uu wareysi siinaayay BBC-da qeybta Afrika, waxa uuna Cadeeyay in warbixintaas tahay mid lagu wiiqaayo Siyaasada Maamulka islamarkaana lagu nusqaaminaayo sumcada Madaxweynaha, sida ay hadalka u dhigeen.

Nuqul kamid ah hadalka Madaxweyne Gaas ayaa waxaa kamid ahaa “Eedeyntaasi waxaan dhihi karaa waa mid aan waxba ka jirin, xiriir lama lihi Burcad badeed, falkii ugu dambeeyay ee Burcadbadeeda ee ka dhaca waxa uu dhacay bishii May 2012, xilligaa aniga madaxweyne ma ahayn, dhinaca la dagaalanka argagaxisada waxaan kula dagaalameynaa buuraha, askartayda ayaa ku dhimanaysa buuraha Gal-gala, waa eedeymo aan waxba ka jirin, fiiri waan la shaqeynaa kooxda la socodka xayiraadda ee hubka saaran Soomaaliya, waxay na weydiistaan inaan la shaqeyno, waana u faah faahinaa wixii ay na weydiiyaan” ayuu yiri C/weli Gaas.

Gaas waxaa sidoo kale la weydiiyay arin ku aadan in wax wada shaqeyn ah aanay kala dhaxeyn kooxdaan, hadii ay jirtana ay liidato, sidoo kalena isaga uu ku yahay caqabad dhanka wada shaqeynta.

“Taas waxba kama jiraan, tusaale aan ku siiyo waxay igu yiraahdeen, waxaan rabnaa inaan ku areysano ee Dubai imaaw, waan ka diiday sababtoo ah, maxaan ka doonayaa Dubai”

Dhanka kale C/weli Maxamed Cali Gaas waxa uu xaqiijiyay in warbixintaani mid ka horeysay ay sidoo kale uga been abuureen Maamulka Puntland.

You must be logged in to post a comment Login