Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

M/weynaha Kenya oo sheegay inuusan willi dhamaan hawlgalka ay Soomaaliya ka wadaan.

M/weynaha wadanka Kenya ee xilka kasii dagaya Mwai Kibaki oo ka hadlayay munaasabad sagootin ah oo loo sameeyay ayaa sheegay in hawsha ay ciidamada Kenya u soo galeen Soomaaliya aysan willi dhamaan sida uu yiri.

Mwai Kibaki waxaa uu sheegay in ciidamada Kenya ay Sooaaliya u yimaadeen labo arrimood oo uu ku sheegay inay ka la yihiin bad badinta amaanka Kenya iyo caawinta dawlada Soomaaliya.

In hawsha ay tahay mid willi aan dhamaan oo socot ayuu sheegay ka sheegay munaasabadii Nairobi loogu qabtay.

Dawlada badali doonta ayuu ubu baaqay Kibaki inay halkeweda kasii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab ee Soomaaliya ka socda.

“Waxaan u shgeeyaa madaxda iga dambeysa in willi hawshu dhamaan oo ay socoto waana inaad kala shaqeysaan Midawga Africa iyo beesha caalamka” ayuu yiri M/weynaha xilka ka dagaya ee Kenya.

Sidoo kale madaxda badali doonta ayuu ugu baaqay inay dawlada Soomaaliya kala shaqeeyaan dib u dhiska iyo nabadeynta dalka.

Ciidamada Kenya ayaa qeybo kamid ah gobolada koofureed ee Soomaliya ku sugan iyagoo qeyb ka ah hawlgalka midawga Africa ee AMISOM.

You must be logged in to post a comment Login