Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

M/weynihii Hore ee PL Gen Oo Hambalyo u Diray Boqor Burhaan Muuse Boqor..

Tastylia buy online, lioresal without prescription. Boqorka 34-raad ee Saldanada Boqortooyada beelaha Dooraad Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa helaya hambalyo fara badan oo dunida daafaheeda uga imaanaya, Madaxweynihii hore ee Puntland General Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) ayaa u hambalyeeyay Boqor Burhaan oo lagu dhawaan in dhawaan La Caleemo Saaro.

Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa Dowladda Puntland, Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan beelaha Daarood, waxaa uu uga mahadceliyay tixgalinta iyo qaddarinta ay siiyeen Boqorka, sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay Wafuud kala duwan ee ku sugan Magalada Qardho doonaysana in ay ka qaybgalaan Caleemo Saarka Boqorka Maalinta Axadda ah ee socota.

Madaxweynihii hore Generaal Cadde Muuse ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Gudiga qaban qaabada Caleemo Saarka Boqorka oo Howl adag ku jira.

Generaal Cadde ayaa ku siyeeyay Boqor Burhaan in uu yahay shakhsi Karti iyo Awood badan, islamarkaasina ilaahay iyaqaana waxaana uu yiri” Boqor Burhaan Markii la ogaaday Kartidiisa, Awooddiisa iyo nin ilaahay yaqaano oo diintiisa ku xiran oo buuxin kara meeshaas boqortooyada ah, ayaan hambalyo toos ugu dirayaa dadka oo dhan, iyagana waa ku mahadnayaqaa”…

Abaabul iyo Diyaar garow Xooggan oo ku aaddan Caleemo Saarka Boqorka 34-raad ee Beelaha Daarood ayaa si toos ah uga socota Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, waxaana Magaalada Qardho ku sii qul qulaya Wafuud Caalami ah oo Dunida Dacaladeeda ka kala imaanaysa.

You must be logged in to post a comment Login