Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nabad sugidda oo howl gal ka sameysay xaafad ay habeen kahor afar qof oo maxaabiis ah ay ku dileen.

Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howl gal ka fuliyeen xaafada Gubta degmada Deyniille ee Magaalada Muqdisho oo ay habeen kahor ciidamada Nabad sugidu ku khaarijiyeen afar ruux oo ay kala bexeen xabsiyada Muqdisho ee ay gacanta ku hayaan.

Qaliif Ereg oo ah taliyaha nabad sugidda gobalka Banaadir ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in xaafada Gubta ay maanta howl gal waqti dheer qaatay kadib ay kusoo qabteen xubna katirsan Shabaabka oo qaarkood saraakiil yihiin halka hub bandanna ay howl galkooda kusoo heleen.

Ereg waxa uu ku cel celiyay in dadka ay soo qabteen ay ku jiraan rag si aad ah loo doon doonayay, kuwaas oo uu ka xusay nin uu magaciisa ku sheegay Xagaley oo ah sarkaalkii ugu sareeyay Shabaabka gubta sida uu ku waramay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay xaqiijiyeen in goobaha baaritaanka laga sameyay ay kamid tahay xaafadii habeen ka hor afarta ruux ee maxaabiista ahaa ay isku dul saareen nabad sugiddu, iyaga oo waliba aan kahadlin sababata ay u khaarijiyeen.

Inkasta oo tira cayiman aan laga heyn eedeysanayaasha Gubta laga soo aaruuriyay maanta, ayaa hadana waxaa dad badan ay layaabanyihiin sida xabsiga loola cararayo maadaama sarkaalka ugu sareeya Nabad sugiddu uu amar ku bixiyay in goobta lagu qabto lagu dilo ruuxii Shababnima looga shakiyo, nabad sugidduna ay bilaawday in ay amarkaasi fuliso.

Shabaabka ayaa ku eedeyay nabad sugidda in ay dilaan ruuxii ay eheladiisu lacag ka dhiibi waayaan, iyada oo arintaanina ay awood siineyso eedeyntaasi maadaama maxaabiisna ladilayo kuwa kalana xabsiga lagu gurayo.

You must be logged in to post a comment Login