Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nabaddoono dhaliilay shirka Kismaayo iyo Xildhibaano ka dhoofay Baydhabo

2014916635464623142907449100_4712 celebrex buy online, Zoloft reviews. Shir jaraa’id oo Baydhabo ay maanta ku qabteen nabaddoonno kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa soo horjeestay shirka ka furmay Kismaayo, kaasoo furitaankiisa ay ka qaybgaleen madaxweynaha Somalia, wasiirro dowladda ka tirsan iyo Beesha Caalamka.

Nabaddoonnadan oo ka qaybgalaya shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo ka furmay maalin ka hor ayaa sheegay inaan loo dhameyn shirka Kismaayo ka furmay, iyagoo sheegay inay ka maqan yihiin nabaddoonno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolladaas.

“Waxaan caddeynaynaa in shirka Kismaayo uu yahay mid aan loo dhameyn, maadaama ay ka maqan yihiin nabaddoonno, siyaasiyiin iyo xubno kale oo gobolladaas kasoo jeeda,” ayay nabaddoonadu ku sheegeen shir jaraa’id ee ay ku qabteen Baydhabo.

Nabadoonnadan ayaa baaq ku aaddan in shirkas la joojiyo u direen beesha caalamka, urur-goboleedka IGAD iyo wakiilka Qaramada Midoobay, iyagoo sheegay in shirkan uu yahay mid ay qolo gaar ah wadato.

Afhayeenka golaha malaaqyada, Malaaq Shiino ayaa eedeeyn kulul u dusha kaga tuuray madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu ka leexanayo sharuucdii dalka.

Sidoo kale, waxaa maanta magaalada Baydhabo ka ambabaxay gabi ahaan xildhihbaannadii baarlamaanka Somalia ee bilooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa, kuwaasoo isugu jiray kuwo qayb ka ahaa dhismaha maamulka saddexda gobol iyo kuwo kasoo horjeeday.

Dhanka kale, xubnaha ku howlan dhismaha maamulka saddexda gobol ee Baydhbao jooga ayaa maanta loo qabtay siminaar ku saabsanaa maamul wanaagga iyo habka maamul goboleedyada loo sameeynayo, iyadoo ay soo qaban-qaabisay siminnaarkan hay’adda CRD oo hadda ku sugan halka uu ka socdo shirka Baydhbao.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2014/Sept/wararka_maanta16-48331.htm#sthash.DLOVGoPw.dpuf

You must be logged in to post a comment Login