Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nabadsugidda Soomaalia oo is xaday dhexdooda

Waxaa marki ugu horeysay kala shaki soo kala dhexgalay Hay’ada nabad sugida Dowlada Soomaaliya kadib markii xabsiga loo taxaabay Taliye sare oo ka tirsan Nabad sugida Dowlada.

Amar ka soo baxay wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg ayaa lagu xirey Taliyihii Ciidamada loo yaqaan Waran ee Gobolka Banaadir Gaashaanle Nuur Shariif kaasoo lagu tuhusan yahay inuu qalab muhiim ah ka lunsaday Hay’ada Nabad sugida Gobolka Banaadir.

Gaashaanle Nuur Shariif wuxuu taliye u yahay ciidamo u tababaran sida alpha Group kuwaasoo hoos taga nabad sugida Dowlada Soomaalya.

Gaashaanle Nuur Shariif waxaa laga halay Taleefoon uu lahaa Taliyaha ruuxaanta Cabdi dheere kaasoo la waayay 31-kii bishii Agosto markaasoo xoogaga alshabaab ay weerar ku qaadeen xabsiga Godka Jilacow oo ah xarunta nabad sugida, sidoo kale qalab sida Kumbuutaro ayaa la waayay isla maalintaasi.

Ciidamo uu horkacayo Gaashaanle Nuur Shariif ayaa u gurmaday Godka Jilacow 31-kii agosto bishii hore taas ayaana keentay shaki ah in Gaashaanle Nuur Shariif uu hayo dokomentiyada maqan sida Kumbuter Lap top ah oo ay ku keydsan tahay sirta nabad sugida Gobolka Banaadir.

Si kastaba waxaa socda baaritaano uu wado wasiirka amiga qaranka kaasoo ku dhagan Taliyaha la soo xirey oo si weyn loo tuhmay markii laga helay Taleefoonka Taliyaha ruuxaanta Cabdi dheere. Viagra Gold without prescription, order zithromax.

You must be logged in to post a comment Login