Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ka Digtay Abaaro ku soo Fool leh Waddanka

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa ka deyrisay xaaladda bani’aadamnimo ee ay ku sugan yihiin in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool gobollada waddankeena.

Madaxa barnaamijyada ee Hay’addan Cabdifitaax Sheekh Muxumed oo xalay ka qeyb galay barnaamijka Tubta Toosan ee Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka ku nool gobollada Koofureed iyo kuwa dhexe ay wajahayaan cunto iyo biyo yari, kaddib markii ay daaheen roobabkii la filayay meelaha qaarna ay go’doomiyeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sidoo kale gobollada Bari iyo Woqooyi Galbeed ayuu sheegay in abaaburuhu ay saameyn doonaanaan, ayadoo barakacayaasha ku nool daafaha magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose ay wajahayaan nafaqo darro iyo caafimaad darro.

 

Cabdifitaax Sheekh Muxumed ayaa  intaa ku daray in haddii aan dhaqsi loogu diyaar garoobin in laga jawaabo xaaladdan ay keeni karto in dad badan oo Soomaali ah ay dhintaan.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkaan soo saartay digniin tan la mid ah oo sheegeysa in ay suurta gal tahay in Soomaaliya ay ka dhacaan abaaro ay dad badan ku dhintaan haddii aan dhaqsi gargaar la gaarsiin gobollada Soomaaliya. Suhagra no rx, buy clomid online.

You must be logged in to post a comment Login