Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

NIN INJINEER AHAA OO LAGU DILAY DEGMADA DAYNIILE EE GOBOLKA BANAADIR

Xoogag hubeysan oo aan la garanayn cidda ay ka tirsan yihiin, ayaa waxay galabta nin Injineer ahaa ay ku dileen Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir. 

Dilkaan, ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Bangala ee Degmada Dayniile, iyadoo Xoogaga dilka geystay ay wateen gaari nooca raaxada ah, kaasoo sida la sheegay ay ku baxsdeen, dilka ka dib.

Injineerka la dilay, ayaa waxaa magaciisa lagu gaabiyay Injineer Shaacir, wuxuuna ka tirsanaa Injineerada dhismaha laamiga ah ka wada inta u dhaxeyso Isbitaalka Degmada Dayniile iyo Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad.

Ciidamada Booliska oo dilka ka dib ku dhaqaaqay xaafada Bangala, ayaan gacanta ku soo dhigin dhagar qabayaashii dilka geystay, iyagoo halkaasi tagey mar ay baxsadeen. Silfar online, purchase Zoloft.

Hay’adaha ammaanka ee Gobolka Banaadir, ayaan weli ka hadlin weerarka galabta ka dhacay Degmada Dayniile, balse dilka waxa uu ku soo aadayaa, xilli toddobaadkaan ay falalka ammaanka ka baxsan ku soo badanayeen Magaalada Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login