Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Nin reer Gaalkacyo ah oo lo haysto dilki guddoomiyihi hore e gobolka Sool

Nin ku eedaysan inuu gaystay dilkii loo gaystay Alle Ha U Naxariistee doomiyihii hore ee maxkamada Racfaanka Gobolka Sool Ibraahim Axmed Muuse ayaa shalay la horkeenay Maxkamada Sare ee Somaliland,sida Xeer ilaaliyihii kiiskan oogayay uu hadalka u dhigay ninkan ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Xarakada Alshabaab waxaana markii uu dilkan gaystay sida la sheegay la socday nin kale oo rasaas badan ku riday dadkii kadaba yaacay ninkani hada lahayo waxaana la sheegay in ninkaasi kale ka baxsaday ciidanka bilayska Gobolka Sool walina laamaha amaanka Gobolka Sool ay kudaba jiraan.

Alle Ha U Naxariistee,Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Racfaanka Gobolka Sool Ibraahim Axmed Muuse ayaa la dilay abaaro 7:30 fiidnimo 06\10\2011-kii,iyadoo sidoo kale sida ay xeer ilaalintu soo dhigtay rasaastaa gudoomiyaha lagu dilay uu isna ku dhaawacmay Ninkale oo wakhtigaa marxuumka la dilay la taagnaa,waxaanay baadhis ay CID-da iyo bilayska Gobolka Sool ay ku sameeyeen dilka gudoomiyaha u soo qabteen ninkan Maxkamada sare Shalay la horkeenay oo lagu magacaabo Farxaan Maxamed Askar,waxaa kale oo ay baadhistaasi ku ogaadeen Masuuliyiintii baadhay dilkaasi ee gobolka Sool ninkale oo la sheegay inuu la socday ninkan dilka gaystay kaasi oo ilaa imika aan lahayn meel uu maray balse ay kudaba jiraan laamaha amaanka Gobolka Sool ee Somaliland,ninkaasi baxsaday ayay Xeer ilaalintu sheegtay in lagu sheego inuu ku dhuumaalaysanayo Magaalada Buuhoodle.
Farxan Maxamed Askar oo ah ninkan shalay maxkamada Sare la hor keenay ayay maxkamadihii hoose ee kale sida maxkamada gobolka iyo racfaanku dil ku soo xukumeen,waxaanu qareenkii dufaacayay Farxaan uu maxkamada Sare Shalay ka codsaday in la laalo xukunadaa hore oo baadhis qoto dheer lagu sameeyo kiiska dilka ah ee ninkani loo haysto oo uu sheegay in hore loo malawaalay oo aanu isagu ahayn ninka dilka u gaystay Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Racfaanka Gobolka Sool,waxa uu sidoo kale qareenka Farxaan difaacayay ku dooday in markii la soo xidhay ninkani sidoo kale lala soo xidhay 8-nin oo kale oo iyagu isla dilkan kuwada eedaysnaa kuwaasi oo aanay midkoodna hada xidhnayn,Asbaab loo cuskaday siidayntoodana aan la hore keenin maxkamada,waxaa uu ku dheeraaday in markhaatiyadii Xeer ilaalintu keentay ee ninkani dilka ku marag furay oo uu ku sheegay 11-markhaati aanay keenin cadaymo lagu qanco oo muujinaya inuu ninkani dilka gaystay,sidoo kale waxaa uu diiday shaadh iyo surwaal Maxbuuskan ladaba wado oo la leeyahay wuxuu xidhnaa markii uu dilka gaystay.
Xeer ilaalinta oo sharaxaad dheer ka bixisay cadaymaha ay u hayaan ninkani inuu gaystay dilka ayaa waxa ay sheegeen inay hayaan cadaymo waadax ah,waxa ay sheegeen in ninkani iyo ninkale oo imika baxsad ugu qoran maxkamada magaciisiina la hayo ay gudoomiyihii hore ee gobolka Maroodi jeex ay si badheedh ah dil ugu gaysteen gobolka Sool Magaalada Laascaanood goor fiid ah oo ku beegnayd 7:30Pm- 06/10/2011-kii,dadkii arkayay markan dilku dhacay oo kadaba yaacay ragga dilka gaystay ayaa cadeeyay inuu ninkani ahaa ninkan bastoolad uu sitay ku dhuftay marxuumkaasi dhintay isagoo ninkalena dhaawac u gaysta. Waxay kale oo ay xeer ilaalintu sheegtay in ninkani uu ka tirsan yahay Kooxda Xaraka Alshabaab islamarkaana fadhigiisu ahaa Magaalada Gaalkacayo ee Maamul Goboleedka Puntland halkaasi oo dhawr jeer laga soo duulay masuuliyiinta gobolka Sool oo dilal kala duwan laga fuliyay Magaalada Laascaanood. Waxa kale oo isla shalay kiiskan lala dhagaystay Afar nin oo kale oo iyaguna ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab kuwaasi oo sanad ka hor laga soo qab qabtay Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco islamarkaana iyagana maxkamadii hore ku soo xukumeen min toban sano oo xadhig ah.

Maxkamada-sare3 tadalafil reviews, purchase Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login