Felicien Kabugas oo ah mid ka mid ah dadka sida weyn loo raadineyo isla mar kaana loo haysto eedeymo la xiriira zasuuqii ka dhacay wadanka Ruwaand 1994 ayaa maanta gacanta lagu dhigey ka dib 25 Sano oo dunidu ay baadi goobeysey.
Ninkaani ayaa ku noolaa meel u dhow magaalada Paris ee wadanka Faransiiska sida uu sheegay wasiirka Cadaaladda France Mr Kabugas oo ah nin ganacsade ah ayaa waxaa latilmaameyaa in uu dhiira galiyey lacagna uu ku bixiyey xasuuqii loo geystey qowmiyada Tudsiga.
Ganacsadahaan ayaa waxaa si weyn u raadineyay Maxkamada dembiyada aduunka ee (ICC) waxaan sida oo kale Dowladda Mareykanka ay ninkaan madaxiisa dulsaartey aduun dhaqaale oo gaareya 5 million oo Dollar lacagtaas oo lagu abaalmarin doono cidii warbixiin ka keenta.
84 jirkaan ayaa magac been abuur ah iyo aqoonsi aan sax ahayn waxaa uu ku joogey wadanka Faransiiska waxaan loo haystaa ka qayb qaadashada dilka in ka badan 800,000 oo Qof oo ah qowmiyadda Tuudsiga, waxaa qaba shadiisa si aad ah u soo dhaweeyey maxkamadda (ICC).
You must be logged in to post a comment Login