Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

NISA oo sheegtay inuu iscasilay madaxii amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Banaadir

War qoraal hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa Ku dhawaaqday in uu is casilay Madaxii Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir.

Qoraalka oo hay’addaasi soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayay ku shaacisay iscasilaadda  Muuse Macallin oo loo yaqaanno Mucaawiye, kaasi oo sida ay NISA sheegtay isu’ casilay sababa la xiriira khilaaf ka dhex jira Al-shabaab.

Ha’yadda ayaa sheegtay in khilaaf u dhexeeyo laba garab oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana khilaafkaasi uu keenay in uu is-casilo Madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo raacsan Garabka hoggaamiye Mahad Karataay.

“Khilaafkii u dhaxeeyey labada garab ee Maafiyada Al-Shaabab ayaa sababay inuu is casilo madaxii Amniyaatka Gobolka Banaadir, Muuse Macalin [Mucaawiye], oo 39-jir ah, oo ahaa garabka raacsan horjooge Mahad Karataay” ayaa lagu yiri qoraalka NISA

You must be logged in to post a comment Login