Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ogeysiis muhiim ah

buy nolvadex online cheap, purchase dapoxetine. 10699200_10152684236403057_1163883374_n
Waxaa la ogoysiinayaa Dhamaan Ganacsata Soomaaliyeed ee joogto Raas Caseer ilaa iyo Raas kiyambooni in lafuri doono Warshad sameyso Gasacyada oo noocyo kala duwan ah oo lagu kaydin doono kheyraadka soomaaliya sida:Kaluunka,Hilibka,Digirta,Galeyda,Yaanyada iyo noocyada khudaarta oo dhan insha-allah. waxaana loo sameyn doonaa sida soo socoto Gobol kasto oo ka tirsan Soomaaliya waxaa loo sameyn doonaa Qeyb uu kheyraadkiisa Ku gasaceysto si looga baxo Khasaaraha keenay Gaajada oo Gobolada qaarkood la liicayaan. Gobolkastane Kheyraadkiisa baa loo suuqgeyn doonaa insha-allah maxaayeelay waxaa la shirkoobayo Shirkad Europe ah oo suuqgeyneyso Kheyraadka ay leedahay Soomaaliya. waxaan lagu shaqeyn doonaa Hab Technology casri ah oo Aduunka wax lagu kala iibsado ama wax lagu kala bedesho, markastana waxaa xukumi doono Gobolkastaba Kheyraada uu heli karo Wax la daadinayo ma jiraan haddii ay Warshadani howlgasho. Soomaalidane waxay ka bixi doontaa Abaaraha iyo Gaajada ay sheeganayaan oo marweliba aduunka Mushkilad u keento iyo Qaxooti tiro badan oo Baddaha ku dhamaanayaan. Cidkasto oo Degmo heysato way quseysaa Arrintaan.maxaa yeelay Degmadaada Kheyraadkeeda waxaa u baahan Degmo kale oo soomaaliyeed oo ka iibsan doonto ama isticmaali doonto Kheyraadkaaga waxaana istaagi doono Cuntada Dibadda laga keenayo oo Shacabka Soomaaliyeed isticmaalaan. waxaana istaagi doono Ganacsiga dibadda ee Cuntada iyo Dharkaba maxaayeelay waxaa la kicin doonaa Warshada Dharka Soomaaliya ee ku taala Balcad Suufkane waxaa laga helayaa Dhulkeena Hooyo. Beerihi Bariiska ee ku yiilay Jowhar iyo Mugambow iyo Faanoole waa la beerayaa dhamaantood iyo Qasabka laga sameeyo Sonkorta . Waxaana la kicinayaa Warshadihii Sonkorta sida Mareerey iyo Jowhar Isnaay Piazza waxaa intaas weheliya in Shirkado Ajnabiya ay rabaan in la sameeyo Warshad Cement lagana sameeyo Warshadi Shamiidada hore ee Barbara agteeda lagana dhigo Business Partner waxay doonayaa inay yeeshaan 50% waana diyaar Qaybtooda waxay iga sugayaan Jawaab hasayeeshee waxay noqon doontaa marki lays arko wixi lagu heshiiyo. Marweliba Dadka doonayo inay Soomaaliya la shirkoobaan waxay doonayaan in lugu shirkooba 50% waase wixi Sharciga Soomaaliya ogolaado oo lawaafajiyo Qaanuunka wadanka Soomaaliya. Cid Alle Cidii dooneysa ama wax ka ogaato intaas in kabadan hala soo xiriirto Telephone No:00393462494774 Mahadsanidiin

You must be logged in to post a comment Login