Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Omar Sheikh Aden oo ka digay in dowladda federalka ah la carqaladeeyo

Waxaan soo marnay dhibaato badan oo aan ku jirnay waqti dheer oo dhib badna.Waxaa ina soo maray wax yaabo badan oo aan u dulqaadanay in badan.
Ugu dambeyntiina waan u dulqaadan weynay oo halgan hubeysan yaan ku ridnay dowladdi kacaanka iyada oo aan heshis lagu ahayn mustaqbalka iyo dowladda ka dambeysa riditaanka Kacaanki militariga ahaa.
Waan ka wada dharagsannahay waxii ka dambeeyay bishi January 1991-ki ila iyo maanta.
Maanta dowladaan jirta dhowrka bilood waa dowladda kali ah oo heshay citiraaf buuxa oo dunido oo dhani u soo jeedsatay in ay wax la qabato sida daraadeed waa in aan la carqaladeyn oo dhib loo geysan hadaad tihiin Soomaali.
Dhib waxaa ugu filan dowladdaha shisheeyaha cadowga Soomaaliya aha waligood.
Gacmo geel-jire hoos baa loo dhaqa ,waxii dhexdeena ah aan is afgarad ku dhameysano oo yaan shisheeye miciin la bidin.

You must be logged in to post a comment Login