Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Prof. Jawaari oo ka Qayb-galay Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Uganda – See more at: http://hiiraan.com/news/2014/jun/wararka_maanta6-46901.htm#sthash.PQElmNAP.dpuf

Cialis Super Active no rx, clomid online. 201466635376256495572286_DSC0060 Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay ka qayb-galay xafladda furitaanka kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka dalkan Uganda oo ka dhacday magaalada Kampala.
Munaasabadda oo lagu qabtay hoolka shirarka Sarena oo kasoo horjeeda dhismaha baarlamaanka dalkan Uganda ayaa waxaa ka qaybgalay isla markaana lagu marti qaaday inta badan guddoomiyeyaasha baarlamaannada Afrika iyadoo Somalia ay ka socdeen wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyo xildhibaanno ka tirsan golaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Uganda, Horn Rebecca Kedega oo jeedisay khudbadii ugu horreysay ee munaasabadda ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida ay marti qaadkeeda uga soo jawaabeen guddoomiyeyaasha baarlamaannada Afrika qaarkood, waxayna khudbaddeeda qayb ka mid ah ku muujisay halka uu marayo xiriirka wada-shaqeyn ee u dhaxeeya baarlamaanka Soomaaliya iyo kan Uganda.

Munaasabadda ayaa sida dastuurka dalkan u degsan uu qabo waxaa furay oo ku dhawaaqay in baarlamaanka uu furan yahay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni oo isagu khudbad dheer oo uu ka jeediyay xafladda uga hadlay xaaladda dalkiisa iyo xiriirka iskaashi ee uu la leeyahay dalalka Afrika iyo kuwa caalamka.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa muujiyay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka adag ee u dhexeeya baarlamaanka Uganda iyo kan Soomaaliya oo uu ku sheegay inuu gaaray heer aad u wanaagsan.

– See more at: http://hiiraan.com/news/2014/jun/wararka_maanta6-46901.htm#sthash.PQElmNAP.dpuf

You must be logged in to post a comment Login