Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Puntland Oo Eedaysay Maamulka Galmudug

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Ee Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey” oo Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug ay Weerareen Gaadiid Puntland ay leedahay oo Qalab dhisme ah u siday Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug.

Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in Maleeshiyaadkaasi ay Weerarka ku dhaawaceen Hal Askari oo kamid ah Ciidamada Puntland oo qalabkaasi dhismaha ah wax kawaday,waxaana sidoo kale uu Xusay in Dad Reer Guuraa ah oo halkaasi dagan ay Maleeshiyadu Weerar ku qaadeen oo ay Dhaawaceen Qof Xoolo Dhaqato ah.

“Maleeshiyaadka Galmudug ayaa Dadka Gobolka Mudug ee Punland Dhibaato ku haya,waa dad aan ogoleyn wada daganaan iyo wada noolaansho”ayuu yiri Tigey.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug Aweys Cali Saciid ayaa hadalkaasi beeniyay,waxaana uu sheegay in Dadka Weerarkaas fuliyay aysan Galmudug ka tirsaneyn. Cialis Professional no rx, acquire zithromax.

You must be logged in to post a comment Login