Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Puntland oo si yaab leh uga jawaabtay Go’aankii Dowladda Fedraalka

Extra Super Tadadel buy online, buy Kamagra, buy Zoloft Silvitra tab no rx, buy Zoloft online. . dapoxetine without prescription.
Afhayeenka maamulka Puntland C/llaahi Quraan-jecel ayaa sheegey inaanu qusayn go’aanka dowlada federaalka Soomaaliya ku hakisay dayuuradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Quraan-jecel ayaa intaa ku daray in garoomada dayuuradaha Puntland ay u furan yihiin Ganacsatada Qaadka iyo kuwa kaleba, isla markaana aanu saameyn doonin go’aanka maanta kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Somalia.

“Ka hor inta aysan go’aan gaarin Wasaaradda Duuliska Hawada Soomaaliya waxaa looga baahnaa inay arrintan kala tashato maamulada dalka ka jira, balse taas ma dhicin” ayuu yiri afhayeenka oo ka hadlayey sababta ay go’aankaas ugu gacan seyreen.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo ah Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somalia ayaa sheegay maanta in laga bilaabo berri oo taariikhdu ku beegan tahay 6-da bishan, aanay diyaaraduhu qaadka kenya iman karin magaalooyinka dalka illa amar dambe isagoo aan sheegin wax sabab ah.

Maamulka Puntland ayaa si ka duwan maamulada kale ee dalka waxaa had iyo jeer caado u noqotay iney ka hor yimaadaan go’aamada ka soo baxa dowlada Somalia, iyagoo qeyb ka ah maamulada wax ka dhisay dowlada.

You must be logged in to post a comment Login