Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Puntland: Qorshe baan wadnaa si aan uga hortagno maamulka G/dhexe

 Maamul goboleedka Puntland ayaa qiray inuu wado qorshe lagu majaxaabinayo dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Mudug iyo Gal-Gaduud, oo ay dhib u arkaan.

Wasiirka waxbarashada Puntland, Cali Xaaji Warsame ayaa si cad u sheegay in ay ka soo horjeedaan maamulka gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud, waxaana uu tilmaamay in ay socdaan dadaallo arintan looga hortagayo.

Cialis soft FRUIT buy online, online Zoloft.

“Maamulka laga samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud iyo intii sharcigu waa faqi karo waa u furan tahay inay ku darsadaan gobollada kale sida Hiiraan, ma jiro wax maamul ah oo la yiraahdo Mudug iyo Galgaduud, arrintaasi saxna ma aha qaynuunna ma aha” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Cali Xaaji ayaa sidoo kale ka hadlay hirgalka heshiiskii dowladda faderaalka iyo Puntland, waxuuna sheegay inaan la hirgalin heshiiskii sanadkii hore magaalada Garoowe ku dhexmaray mas’uuliyiin dowladda federaalka ah ee Somaaliya ka socotay iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

You must be logged in to post a comment Login