Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmar qaraxii shaleey oo Muqdisho ku geeriyooday

Wararka aan ka helayno cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxey sheegayaan in qaar kamid ah dadki dhaawaca la geeyey halkaasi ay qaar maanta geeriyoodeen.

Madaxa Caafimaadka Cusbitaalka Madiina Duniyo Cali Maxamed oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in 32 ruux oo dhaawac ah xalay la keenay islamarkaana ay ufidiyeen adeeg caafimaad.

Sidoo kale waxay sheegtay in lix qof ay meyd ahaan ugu baryeen cusbitaalka dadka qaarkoodna ay maanta dhaawaca ugeeriyoodeen.

Cusbitaalka Madiina ayaa waxa la gaarsiiyey dadkii xalay ku dhaawacmay weerar Al Shabab ku qaadeen Hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho oo Shacab iyo ciidan ay ku geeriyoodeen.

You must be logged in to post a comment Login