Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qabanqaabada Xuska Sanadguurada Telefishinka Qaranka oo maanta ka socota magaalada London + Daawo Hees qiiro badan oo loo qaaday TELEFISHINKA QARANKA SOOMAALIYEED

Qaban qaabada munaasabad balaaran oo lugu xusayo sanadguuradii Labaad ee ka soo wareegatay dib u howlgalintii Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo maanta ku beegan ayaa ka socota Hoolka ay xafladu ka dhici doonto ee ku yaala xaafada wembley ee magaalada London .

Munaasabada xuska sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgeliyay SNTV oo lagu qabanayo
22 london Road

wembley

HA9 7EX

Thursday 04/04/2013

Saacdu marka ay tahay 5pm ilaa 12pm ayaa la filayaa iney kasoo qeybgalaan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada London.

Sidoo kale munaasabada xuska sanadguurada Telefishinka ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo waxqabadka Telefishinka Qaranka Labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo Telefishinkana uu sii deynayo barnaamijyo ku saabsan waxqabadkiisa iyo suugaan ka tarjumeysa xuska sanadguurada Labaad ee ka soo wareegtay dib u howlgelintii SNTV.
Halkaan hoose ka daawo mid kamid ah heesaha Sanadguurada TVga Qaranka loogu qaaday xafladii maanta ka dhcday xarunta wasaarada warfaafinta ee Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login