Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qabiilada ay ka soo kala jeedaan Ku xigeenada Muungaab.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay Sadax Gudoomiye kuxigeen uu yeelanayo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kamal Gutale ayaa waxaa loo magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir dhinaca siyaasada iyo dimoqraadiyeynta , waxa uu kasoo jeedaa Beesha Habar Gidir , waxa uuna ahaa Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliya.
Ismaaciil Macalin Cabdi Guure waxaa isna loo magacaabay kuxigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Ninkan waxa uu kasoo jeedaa Beesha Murusade waxa uuna horey uga soo shaqeenayay Talifishinka Al-Carabiya.
Iimaan Nuur Iikar ayaa loo Magacaabay Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Dhinaca Arimaha Bulshada , Masuulkan waxa uu kasoo jeeda Beelaha Banaadiriga , waxa uuna horey u ahaa Gudoomiye Kuxigeenkii Tarsan ee dhinaca Maaliyada.
Dhawaan waxaa la filayaa in isbadal sidoo kale lagu sameeyo Maamulka Degmooyinka Gobolka Banaadir , waxaana la saadaalinayaa in Gudoomiyaal dhoor ah daaqada ka bixi doonaan laguna badali doono Gudoomiyaal Cusub.

You must be logged in to post a comment Login