Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qabsashada Baraawe oo u horseeday Muqdisho inay ciidamada DF Somalia..

order paroxetine, clomid online. Baraawe-21-800x4491

Muqdisho (Somalimedia  Online) РIyadoo muddo dhowr bilood ah ay Magaalada Muqdisho ka caaganeyd Weeraro ismiidaamin iyo dilalka qorsheysan, ayaa waxaa iminka muuqaneysa Habacsanaan dhanka Ciidamada Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Habacsanaanta Ciidamada ayaa waxa ay suuragalisay in muddo Seddex maalin gudaheeda uu Magaalada Muqdisho ka dhaco laba qarax oo loo adeegsaday gawaari nooca raaxada ah, kuwaasi oo ka kala dhacay Xamar-Weyne iyo nawaaxiga Isgooyska Sayidka gaar ahaan Oromo Caffe.

Qaraxyadaani ayaa waxa aysan muujineyn soo kabashada Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Alshabaab, balse caddeynaya in farxadda ay ka badatay dowladda, sidaas darteedna ay is dhigatay, ayada oo aaminsan in Shabaab ay wiiqantay.

Ciidamada Ammaanka ee taagan wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa lagu dhaliilaa inaysan ka soo bixin howlaha loo igmaday, mana baaran inta badan gaadiidka markii laga reebo wajiga wadayaasha gaadiidka oo ay ku mashquulaan ama ay eegaan oo kaliya.

Waxaa Magaalada Muqdisho weli ku sugan Horjoogayaal ka tirsan Maleeshiyada kuwaasi oo aan heysan Fursado ay ku fuliyaan falal amniga qalqal galinaaya, iyadoona ay muuqaneyso in Habacsanaanta Ciidamada wadooyinka la soo dhoobo oo aan si hufan u gudan Howshooda ay fursad u noqon karto Maleeshiyada.

Dhanka kale, Labada weerar ee Seddexda maalin gudahooda ka dhacay Muqdisho, ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa, iyadoo Maleeshiyada laga sifeeyay inta badan Dalka, markii laga reebo deegaano ay kamid yihiin Heliwaa ee Muqdisho.

Somalimedia Online
Xafiiska Muqdisho

You must be logged in to post a comment Login