Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qalab Tv-ga Somali Channel lahaa oo Rag Cadaan ah qaateen

Waxaa inkabadan 48 saac maqan qalab ay ku shaqeenayeen telefishinka Somali Channel Xaruntiisa Magaalada Muqdisho oo galabnimadii jimcaha lala wareegay.

Marka laga soo tago qalabka waxa sidoo kale xiran labo saxafi oo lagu kala magacaabo:

Maxaabiistani ayaa labaduba waxay ushaqeeyaan Teleshinka Somali Channel Muqdisho iyadoona la xiray Maalintii Jimcaha xilli ay shaqo ujoogeen Garoonka Koonis Ee Degmada Cabdi Casiis.

Waxa la sheegay in Kaamiradii ay wax ku duubanayeen iyo Qalab kale ay la wareegeen Saraakiil cadaan ah iyaguna ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla Degmada Cabdi Casiis sida uu sheegayo kusimaha Agaasimaha Somali Channel Muqdisho Maxamed Muuse Maxamed.

Waxay Arintani qeyb ka tahay Xad gudubka lagu hayo Warfaafinta Soomaaliyeed iyadoo si cadaalad daro ah wariyeyaashani ugu xiran yihiin Dawlada Soomaaliya.

You must be logged in to post a comment Login