Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qaramada Midoobey oo maanta u codeyneyna dhuxusha iyo hubka Soomaaliya

dekada kismaayoGolaha amaanka ee Qaramada Midobey ayaa maanta ka fariisanaya qaraar cusub oo Soomaaliya ku saabsan kaasi oo xanibaado cusub kusoo rogaya dhoofka dhuxusha iyo soo dajinta hubka.

Qaraarkani oo ay diyaarisey dowladda UK ayaa waxa uu dhigayaa in la baaro doomaha iyo gaadiidka badda ee galaya ama ka baxaya Soomaaliya, si looga baaro in ay hub ama dhuxul wadaan, haddii laga helanaya lala wareego.

Qaraarka ayaa waxa uu sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqayaa in ay soo sheegto hubka ugu jira bakhaarada iyo meesha ay ku isticmaasho si loola socdo.

Tani ayaa waxa ay ka dambeysey kadib markii kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya saaran ee Qaramada Midobey ay warbixin cusub ku sheegeen in wali dhuxusha la dhoofiyo, hubkana si sharci daro ah lagu soo dajiyo, sidoo kalana hubkii dowladda uu Shabaabka u gacan galo.
order zoloft online cheap, acquire dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login