Qarax AMISOM lala eegtay & rasaas ka socoto qeybo ka mid ah Muqdisho…

Filed under: Wararka |

Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan  AMISOM ayaa waxaa goordhow qarax lagula eegtay Xaafada Suuqa xoolaha ee degmada Hurwaa.

Miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada AMISOM lagula eegtay Xaaafda suuqa xoolaha gaar ahaan halka loo yaqaano buurka oo ah Goob aad u masqhuul badan.

Qof ka mid ah dadka Suuqa Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxa kadib ciidamada AMISOM ay fureyn rasaas farabadan,isla markaana ay ku geeriyoodeen saddex ruux oo shacab ah.

Waxa uu sheegay in qaraxa ka hor uu socday banaanbax ay dhigayeen dadka ku nool Xaafada Suuqa Xoolaha,iyaga oo ka cabanayey Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo shalay dad Shacab ah shalay halkaasi ku dilay.

Xaalada ayuu shegay in weli Maanta ay tahay mid kacsan,sidoo kale dhammaan la xiray goobihii Ganacsiga ee suuqa xoolaha,sidoo kalena mid ka mid ah Gawaarida AMISOM oo uu qaraxa haleelay uu yaalla goobtii lagula eegtay.

Posted by on July 12, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply