Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qarax ka dhacay Kismaayo

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in maanta barqadii Magaaladaasi uu ka dhacay qarax khasaaro geystay.

Qaraxaan ayaa wuxuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay Xaafada Luba baxsi ee Magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay maraayeen ciidamada Nabadsugida Magaalada Kismaayo.

Taliye kuxigeenka Saldhiga ciidamada Booliiska Magaalada Kismaayo Aadan Maxamed Sharmaake, ayaa wuxuu sheegay in qaraxa hal ruux uu ku dhaawacmay, khasaaro kalena uusan geysan.

Wuxuu sheegay in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen Ururka Shabaab oo doonaayay inay ku bartilmaameedsadaan ciidamada Nabadsugida Kismaayo, balse ay ka bad-baadeen.

Taliye kuxigeenka Saldhiga Kismaayo ayaa tilmaamay in ciidamada ay soo qabteen 5-ruux oo lagu tuhmaayo inay wax ka ogaayeen qaraxaasi oo hada Saldhgiga Magaalada Kismaayo su’aalo lagu weydiinaayo.

Xaalada ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa ah mid wanaagsan, inkastoo muddooyinkii u dambeeyay Magaalada ay ka dhacayeen dilal qorsheysan. buy Caverta online, buy zithromax online.

You must be logged in to post a comment Login